Ilbaxaysi - Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Ilbaxnimo)
Ilbaxaysi (ingiriis: Civilization) waa xadaarad ama heerka eey bulsho gaadho ayadoo la fiirinayo dhinaca aqoonta iyo cilmiga, hubka, dhaqaalaha, waxbarashada IWM.
ilbaxnimo ama xadaarad waxa la yidhaahdaa wax kasto oo ummad meel ku nooli soo kordhiso haday noqoto xagga waxbarashda , farshaxanka iyo culuumta kale.
meelihii ugu horeeyay ee ay dunida ilbaxnimadu ka bilaabantay inta la ogyahay waa dhulka u dhaxeeya labada webi ee dajla iyo furaat oo hadda ah dhulka ciraaq .
xadaaradaha halkaa ka bilaabmay waxaa ka mid ah xadaaradii mesopatamia sida xadaaradii babaliyooniinta , sumariyaan , iyo asayriyaan.
mudada xadaaradahaasi jireen waxa lagu qiyaasaa inay ahaayeen dhawr kun oo sanno ciise hortii .
waxa ugu wayn ee keenay inay xadaaradahani samaysmaan waxaa ka mid ahaa kacdoonkii beeraha ama agricultural revolution kaas oo keenay in dadkii ugaadhsataa ahaa ay samaystaan magaalooyin ay dagaan sidoo kale ay yeeshaan xirfado kala duwan iyo shaqooyin kala duwan halkaan waxa ka dhashay ilbaxnimo aad u wayn
Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.