wol.jw.org

Maxaynan Markhaatiyaasha Yehowah Dagaal uga Qaybqaadan? — ONLINE LAYBREERIGA Watchtower

Askar dagaallamaya oo qoryahooda wax ku tooganaya.

Sababahan daraaddood Markhaatiyaasha Yehowah dagaal kama qaybqaataan:

  1. Addeecidda Ilaahay. Kitaabka wuxuu sheegay inay adeegayaasha Ilaahay ‘seefahooda ka tuman doonaan marashiyo . . . oo innaba mar dambe dagaal aynan baran doonin.’—Ishacyaah 2:4.

  2. Addeecidda Ciise. Ciise rasuulkii Butros wuxuu ku yiri: “Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan.” (Matayos 26:52) Sidan darteed Ciise wuxuu ina tusay raacayaashiisa inaynan hubka dagaalka xiran doonin.

    Ciise xertiisa arrimaha siyaasadda marnaba kama qaybqaataan waayo siduu Ciise ku amray “kuwa dunida ma aha.” (Yooxanaa 17:16) Dibadbax kaga ma soo horjeedsadaan shuqullada ciidanka oo kuwa rabo inay ciidanka u adeegaan ma ka celiyaan.

  3. Jacaylka dadka. Ciise xertiisii wuxuu ku amray: “Waa inaad isjeclaataan.” (Yooxanaa 13:34, 35) Sidan darteed iyagu waxay ka mid noqdeen walaaltinnimo caalami ah uu qofna walaalkiis dagaal ugu kici doonin.—1 Yooxanaa 3:10-12.

  4. Masaalkii Kirishtaankii hore. Buugga Encyclopedia of Religion and War waxaa ku qoran: “Raacayaashii hore oo Ciise way diideen dagaalka iyo ka qaybqaadashada ciidanka” waayo shuqulladaas waxay u arkeen “kuwo aan raacsanayn jacaylka Ciise iyo amarkiisii inay cadowyadooda jeclaadaan.” Sidoo kale diinyaqaan Jarmal ah oo la yiraahdo Peter Meinhold wuxuu sheegay “askari iyo Masiixii in la wada noqdo” raacayaashii hore oo Ciise waxay la ahayd “wax aan laysku keeni karin.”

Taageeridda Bulshada

Markhaatiyaasha Yehowah waa dad waxtar leh oo ka mid ah bulshada. Waddanka ay ku nool yihiinna halis ku ma aha. Amarradan Kitaabka si raacsan baan u ixtiraamnaa maammulka dowladaha:

  • ‘Ka dambeeya kuwa amarka sare leh.’—Rooma 13:1.

  • “Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.”—Matayos 22:21.

Sidaas awgeed sharciga waan raacnaa oo canshuurteenna waan bixinaa waanna taageernaa shuqullada dowladda ay dadweynaha ku daryeelaan.